Falastiin oo soo dhaweysay amarka lagu soo xiraya Netanyahu

0
280

Dowladda dalka Falastiin ayaa soo dhaweysay amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ee ahaa in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant.
Maxkamadda ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan loo haysto in ay Qaza ka gaysteen dembiyo dagaal.
Falastiin ayaa tilmaantay in tallaabadan ay dib u soo celinaysa rajada laga qabo u hoggaansanka xeerarka caalamiga ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 44,056 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 104,286 kale.