Ismaamullada oo ka cabanaya gaabad dhaqaale

0
140

Guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ee CoG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in saameyn ay ku imaan karto bixinta qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah.
Waxaa uu tani u aaneeyay gaabad dhaqaale oo ay dowlad deegaannada wajahayaan.
Axmad Cabdullahi ayaa hoosta ka xarriiqay in ay u baahan yihiin 13.5 bilyan oo shilin oo horay ismaamullada loo qoondeeyay.
Waxaa uu tilmaamay in ismaamullada ay hadda danta ku qasbi doonto in ay joojiyaan arrimaha shaqaaleysiinta iyo in shaqaalaha loo sameeyo mushaar kordhin sidii uu soo jeediyay guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC.