Gachagua oo eedeyn u jeediyay saraakiisha ammaanka

0
247

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu eedeyn ugu jeediyay dowladda.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha ammaanka oo adeegsanaya baabuur aan taargo lahayn ay dabagal ku hayaan meel kasta oo uu tago..
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay inuu keliya codsanaya in la badbaadiyo maadaama lagu guulaystay qorshihii ahaa in xafiiska laga saaro.
Dowladda ayaan weli ka jawaabin eedeynta madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka.