Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa kulan sagootin ah la qaatay danjiraha xafiiska banneynaya ee Shiinaha ku matalayay Kenya Ambasadoor Zhou Pingjian.
Tani ayaa timid ka dib markii uu soo idlaatay muddo xileedka safiirka oo ahaa 4 sano.
Wetang’ula ayaa danjiraha ku amaanay inuu door muhiim ah ka qaatay wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dowladaha Kenya iyo Shiinaha.
Waxaa uu sheegay inuu dadaal badan ku bixiyay arrimaha horumarka , dhaqaalaha , waxbarashada , amniga iyo tiknolojiyadda..