Maxkamad ku taalla ismaamulka Mombasa ayaa xukun xabsi oo dhan 40 sano ku ridday mid ka mid ah dadka ka ganacsado maandooriyaha oo la soo qabtay iyadoo sidata mukhaadaraad uu qiimihiisu yahay 275 milyan oo shilin.
Faadumo Axmad Cali ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 825 milyan oo shilin .
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore sare David Odhiambo.
Faadumo oo lala soo eedeeyay labo ruux oo kale oo aan maxkamadda ka soo hormuuqan ayaa waxaa ay wajaheysaa dembi ah in ay ka ganacsatay mukhaadaraad ah 91,738 garaam oo daroogada xashiishka ah oo lagu qiimeeyay 275 milyan oo shilin.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda oo ay hoggaaminaysay Barbara Sombo ayaa ka soo horjeestay codsiga eedeysanaha ee ahaa in damaanad lagu siidaayo.
Garsooraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dacwad oogayaasha ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah oo ka dhan ah tuhmanaha sida warbixinta saraakiishii howlgalka ka sameeyay hooygeeda.
Faadumo Axmad Cali ayaa la soo xiray 20-kii bishii Sagalaad ee sanadkii 2018-kii waxaana laga soo qabtay xaafadda Kikambala ee ismaamulka Kilifi.