Guddiga doorashooyinka ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro loo doortay madaxweynaha 6-aad ee Somaliland, sidoo kale, xisbiga Waddani, ururka Kaah iyo xisbiga Kulmiye ayaa xisbinimo ku guulaystay.
Tirada guud ee codadka la dhiibtay doorashada madaxtooyada Somaliland waa 647,863, halka tirada guud ee codadka ansaxay lagu sheegay 638,126, sidoo kale 9,528 cod ayaa xumaaday.
Cabdiraxmaan Cirro oo matalayay xisbiga Waddani, ayaa ku guulaystay codad dhan 407,908 oo u dhiganta 63.92%, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye ayaa isna helay 225,519 cod oo u dhiganta 34.81%, halka uu musharrixii xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu helay 4,699 oo u dhiganta 0.74.
Doorashada xisbiyada oo ku lamaanayd doorashada madaxtooyada, ayaa tirada guud ee codaysay lagu sheegay 646,188 oo u dhiganta 53% halka 630,812 cod oo u dhigma 98% ay ansaxeen.
Xisbiga Waddani ayaa helay codad dhan 216, 284, ururka Kaah-na uu helay 131,507 halka xisbiga Kulmiye oo ku xigay uu helay 108,100, sidaana waxay ku noqdeen saddexda xisbi ee Somliland ka arrimin doona 10-ka sanno ee soo socda.
Sidookale, ururka Barwaaqo ayaa helay 16,852 cod, ururka Rajo ayaa helay 2083 ururka Horseed ayaa helay 78,218 cod, ururka Talowadaag ayaa helay 6,080 xisbiga UCID ayaa helay 10,105 cod, Hillaac ayaa helay 59,569 cod, ururka Shacabka ayaa helay 2014.
Ururradan ayaa dhamaantood waayay doorashada.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee Somaliland