Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo la kulmay wasiirka kheyraadka ee Ruushka

0
289

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan la qaatay wasiirka kheyraadka dabiiciga ah iyo deegaanka ee dalka Ruushka Alexander Kozlov.
Tani ayaa timid ka dib markii wafdi dowladeed oo uu hor kacaya wasiirka uu gaaray magaalada Pyongyang.
Waxay halkaasi uga qayb galayaan shirka 11-aad ee iskaashiga ganacsi, dhaqaalaha , sayniska iyo tiknolojiyadda sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee (KCNA).
Madaxweyne Kim ayaa sheegay in labada dowladood uu ka dhexeeyo xiriir labo geesood oo dhinacyo badan ah kaasi oo waayihii dambe sii xoogeysanayay.
Horraantii bishan ayay ahayd markii Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ay wada gaareen heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi oo la xiriira istaraatiijiyadda gaashaandhigga.
Baarlamaanka Ruushka ayaa 6-dii bishan ansixiyay heshiiskaasi oo markii ugu horreysay 19-kii June qalinka loogu duugay magaalada Pyongyang xilligaasi oo uu dalkaasi safar ku tagay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.