Maxkamadda Hong Kong oo xukunno xabsi ah ku ridday 45 qof

0
127

Maxkamad ku taalla Hong Kong ayaa xukunno xabsi oo muddooyin kala duwan ah ku ridday 45 ruux oo u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda.
Benny Tai oo qareen ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah halka shakhsiyaadka kale la xiray afar ilaa toddobo sano.
Benny Tai ayaa lagu eedeyay inuu sanadkii 2019-kii hoggaamiyay dibadbaxyadii ka dhankaa ahaa maamulka Hong Kong .
Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku saleysay xeerka qaran ee amniga ee Shiinaha maadaama xukuumadda Beijing ay sheegato in Hong Kong ay ka mid tahay deegaannadeeda in kastoo jasiiraddan uu ka jiro maamul gaar ah.