Madaxda kaniisadda Anglican ee (ACK) ayaa taageero u muujiyay dhiggooda Catholic-ga oo maalmo ka hor dhaliilay waxqabadka dowladda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay qasab tahay in dowladda lagula xisaabtamo maareynta arrimaha qaran.
Jackson Ole Sapit oo ka mid ah mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan in ay ka hadlaan gaabadka jira iyo dhacdooyinka cadaalad darrada ah ee la soo tabiyo.
Waxaa uu Sapit carrabka ku adkeeyay in baadariyaasha aan cabsi gelin iyo in la dhaliilo looga hor istaagi karin in ay dalbadaan maamul wanaag iyo hufnaan hoggaamineed.
Baadariga ayaa ku celceliyay in dareenka ay muujinayaan uu yahay mid ka turjumaya kenyaanka wajahaya xaaladaha adag ee dhaqaale.