Dowladaha Filibiin iyo Maraykanka ayaa wada saxiixday heshiis ay isku dhaafsanayaan macluumaadka sirdoonka ee dhanka gaashaandhigga.
Tani ayaa sii xoojinaysa xiriirka amni ee labada dowladood.
Waxaa is-afgaradkan qalinka ku wada duugay xoghayaha difaaca ee Filibiin iyo dhigiisa Maraykanka Lloyd Austin.
Madasha heshiiskan lagu soo gabagabeeyay ayaa maanta ka qabsoontay xarunta waaxda qaran ee difaaca (DND) ee dalka Filibiin oo ku taalla caasimadda Manila.
Is-afgaradka ayaa loogu magacdaray heshiiska amniga guud ee macluumaadka militariga wuxuuna horseedaya in la wadaago xogaha sirta ah iyo habeynta iibinta teknolojiyadda khaaska ah.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka oo markii afaraad safar ku tagay Filibiin ayaa barta X ku sheegay in labada dhinac ay ka go’an tahay sare u qaadidda iskaashigooda , xoojinta amniga gobolka iyo xaqiijinta mabaad’iida ay ka siman yihiin.
Iskaashiga dhinaca difaaca ee Filibiin iyo Maraykanka ayaa soo billowday sanadkii 1951-dii.