Waddooyinka qaar ee magaala madaxda waddanka ee Nairobi ayaa ah kuwo ay ku dhibaatoonayaan darawallada iyo gadiidka adeegsada.
Waxaa waddooyinka qaar ee caasimadda sida xaafadaha Kilimani, Kileleshwa, Lavington iyo Upper Hill ka muuqdo burbur kuwaas oo biyo farriisimo ka sameysay.
Qaybaha waddooyinka ayaa burbursan, taasoo u abuuraysa xaalado khatar ah gaar ahaan darawallada adeegsada.
Gaadiidlayda ayaa muujiay sida ay uga xun yihiin burburka ka muuqada waddooyinka qaar ee magaalada Nairobi.
Muddo dheer ayaa waxaa waddooyin badan oo ku yaalla magaalada Nairobi ay lahaayeen boholo, kuwaas oo sii xumeynaya bilicda caasimadda.
Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Nairobi ayaa cabasho ka muujiyay arrintan.
Waxaa ay dowladda ismaamulka Nairobi ugu baaqeen inay dayactirto waddooyinka burburusan ee casimadda.
Barasaabka ismamaulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa dhankiisa sheegay inuu jiro qorsho uu maamulkiisa ku dayactirayo waddooyinka burbursan ee caasimadda.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu qorsheynaya in 11 bilyan oo shilin u adeegsado dayactirka waddooyinka burbursan ee ismaamulka Nairobi.