Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle

0
455

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle oo ay ku sheegeen inay xayirtay lacago loogu tala galay wax ka Qabashada Fatahaada wabiga Shabeelle.
War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka kuwaasoo eedo u jeediyay wasaarada ayna halkaan ku cadaynayso sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

  1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay.
  2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha.
  3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021.
  4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda.
  5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25)
  6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan.
  7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay sidoo kale sheegtay inay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanayso Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle.
    Ayna dadaal badan ugu jiraan dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Maamulka Hirshabelle nee taga ee markasta uu Wabiga shabeelle Fatahaada ka Sameeyo.
    Wasaaradda Maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa cadeysay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Maamul Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.
    Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaa guddigga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsatay inay caddaymo ka bixiyaan lacagaha ay ku eedeyeen in doiwladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda Degaannada Hirshabelle
  8. Hoos ka akhiso war saxaafadeedka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya