Wafdi dowladda dhexe ka socda oo Gaalkacyo gaaray

0
443

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif).
Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Wafdigaan kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil kale.
Ujeedka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Kaniif uu Magaalada Gaalkacyo ku tagay ayaa lagu sheegay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale deegaankaas Si weyn looga Yaqaanay.
Sidoo kale inta uu Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatan doonaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug iyo Mas’uuliyiinta degmada.
Safarkiisa ayaana ku soo aadaya ayadoo Kooxo hubeysan ay maalmo ka hor Magaalada Gaalkacyo deegaank Hoos yimaada ay ku dileen Sheekh Cali Axmed Faarax, kadib markii ay afduubteen, wuxuuna Maamulka Galmudug sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan falkaas dhacay, iyagoo u Guddi u saaray baarista dhacdadaan.