DHAGEYSO:Mombasa oo maanta laga ciidaya

0
332

Waxaa maanta laga ciidayaa ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta .
Shacab badan ayaa isugu tagay fagaaraha Ronadl Ngala ee ismaamulkaas halkaas oo ay ku tukadeen salaadda ciidda.
Tani ayaa timid ka dib markii qaadiga guud ee dalka Sheekh Axmad Sharrif Muxdhaar uu Arbacadii shaaciyay in aan la arag bisha Shawaal sidaas awgeedna ay ciidul fidriga tahay maanta oo Jimco ah.
Sidoo kale maanta ayaa ah maalin fasax oo ay dowladda dhexe shaacisay si muslimiinta ay fursad ugu helaan u dabaal degga munaasabadda ciidul fidriga.
Waxaa sidoo kale maanta laga ciiday ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta gaar ahaan magaalada Voi iyada oo shacabka halkaasi ugu dabaal degaya ciidul fidriga ay sidatan dareenkooda u muujiyeen