KUPPET oo dalbanaysa in macallimiinta loo sameeyo mushaar kordhin

0
138

Ururka macallimiinta dugsiyada sare ee dalka ee (KUPPET) ayaa doonaya in bareyaasha xubnaha ka ah dalladdan mushaaraadka loo kordhiyo inta u dhexeysa boqolkiiba 50 ilaa boqolkiiba 100.
Xoghayaha Guud ee KUPPET ,Akelo Misori ayaa sheegay in laga soo billaabo 2017-kii ilaa sanadkan 2024 uu aad u kordhay qiimaha shidaalka taasi oo sare u qaadday maciishadda.
Ururkan ayaa dalbanaya in gunnooyin la siiyo macallimiinta ka howlgalo meelaha ay xaaladaha adag ka jiraan iyo kuwa ka shaqeeya sheybaarrada dugsiyada .
Misori ayaa dhanka kale xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu difaacay go’aankii ay ku hakiyeen shaqo joojintii saameysay waxbarashada dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in heshiiska gorgortanka ku saleysan ee CBA ee ay la galayaan dowladda uu noqon doono mid ku saleysan mushaar kordhin.