In ka badan 13 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen ka dib markii uu soo dumay dhisme ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee waddanka Tanzania.
Madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Xasan ayaa sheegtay in ugu yaraan 80 qof oo kale la soo samatabixiyay.
Dhismaha dumay oo ka koobnaa afar dabaq ayaa ku yaallay suuqa Kariakoo ee bariga Dar es Salaam.
Samia ayaa khudbaddeeda ku xustay in 26 ruux ay weli isbitaallada ku jiraan.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda dalka Tanzania ay bixin doonto qarashaadka caafimaadka ee dhaawacyada iyo aaska dadka geeriyooday.
Dhacdooyinka guriyaha soo dumo ee laga soo tabiyo qaar ka mid ah caasimadaha dalalka Afrika ayaa loo aaneeya hal-beegyada dhismaha oo aan adkayn ama dhaqangelinta xeerarka dhismaha oo hooseysa.