DHAGEYSO:Qaar ka mid ah shacabka oo dalbaday in xilka laga qaado xeer ilaaliyaha qaranka

0
377

Dadweynaha ku nool ismaamulka Kajiado ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii xalay ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka kaasoo lagu laalay geeddisocodka sharci beddelka ee loo yaqaano BBI.
Waxay dalbadeen in xilka laga qaado ama uu is casilo xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki.
Soo jeedintan ayay u aaneeyeen in maadaama Mr. Kihara uu yahay la taliyaha dhanka sharciga ee dowladda uusan tallaabo qaadin xilligii madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay billaabayeen qorsho su’aal la geliyay sharcinimadiisa
Garsoorayaasha ku dhawaaqay go’aanka waxba kama jiraan looga soo qaaday hannaanka BBI ayay ku tilmaameen geesiyaal garab istaagay muwaadiniinta dalka.
Shacabka qaar ayaa dalbanaya in la soo celiyo lacagihii dadweynaha ee loo adeegsaday howlaha BBI

Waxaa sidoo kale arrinkan ka hadlay Ugaas Cismaan Raqiso oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera.