DHAGEYSO:Madaxweynaha oo ballan qaaday dhameystirka mashaariicda horumarineed

0
116

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la dhameystiro mashaariicda horumarineed sidoo kalena laga dhabeeyo ballanqaadyadii siyaasadeed.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay wax ka qabashada cunno yarida , caafimaadka guud ee UHC, hooyga la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa iyo xaqiijinta in carruurta kenyaanka ah ay fursad siman u helaan waxbarashada.
Madaxweyne William Ruto ayaa ismaamulka Nairobi ka sheegay in la sii ballaarin doono maamulka dowladeed.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo is kala qaybinta.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa muujiyay kalsooni ah in la sameyn doono isbeddel horumarineed.

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa dhankiisa shacabka ka codsaday in ay isaga iyo madaxweynahaba siiyaan muddo ay wax ugu qaban karaan.