Waxaa lagu soo warramayaa in siddeed qof ay dhinteen halka 17 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, ka dib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dugsi lagu barto farsamada gacanta oo ku yaalla bariga dalka Shiinaha.
Booliiska ayaa sheegay in weerarkan loo xiray arday horraan xaruntaasi wax uga baran jiray.
Weerarkan ayaa maqribnimadii shalay laga soo tabiyay machadka farshaxanka iyo farsamada ee Wuxi oo ku yaalla magaalada Yixing ee gobolka Jiangsu ee waddanka Shiinaha.
Booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha oo 21 sano jir ah uu horay wax uga baran jiray xarunta uu weerarka ka gaystay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in sanadkan uu qalin jabiyo, balse uu ku dhacay imtixaankii uu galay.
Xarunta farsamo ee weerarka laga soo tabiyay ayaa waxaa dhigta ilaa 12,000 oo arday oo ka kala yimid daafaha dunida.