Ugu yaraan 59 qof oo hal maalin lagu dilay Lebanon

0
127

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duqeymaha militari ee Israa’iil ay ku nafwaayeen ugu yaraan 59 ruux.
Waxaa duqeymahan muddadaasi ku dhaawacmay 182 ruux.
Duqeymaha ayay ciidamada militeriga Israa’iil ka gaysteen deegaanada Dahiyeh, Haret Hreik iyo Chiyah ee duleedka koonfureed ee caasimadda Beirut ee waddanka Lebanon.
Militeriga Israa’iil ayaa maalintii shanaad oo xiriir ah duqeymo culus ka gaysanayay caasimadda dalka Lebanon.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 43,799 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 103,601 kale.
Gudaha waddanka Lebanon, waxaa muddadan lagu dilay in ka badan 3,452 ruux iyadoo la dhaawacay 14,599 dheeraad ah.