DHAGEYSO:Jadwalka doorashada Jubbaland oo la shaaciyay

0
211

Guddiga doorashada ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa xalay soo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland.
Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25-ka bishan, sida ku cad jadwalka xalay soo baxay.
18 ilaa 19-ka bishan ayaa la soo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyay guddiga doorashada maamulkaasi.
20-ka bishan ayaa la shaaciyay in la qabanayo codsiyada musharraxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, islamarkaana la gudagalo doorashada.
21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida musharraxiinta xilka Madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishan.
Ugu dambeyntii 25-ka bishan ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taas oo ka dhigan in 9 cisho ka dib la dooranayo Madaxweynaha maamulkaasi ee 5-ta sano ee soo socota.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka Soomaaliya.
Xiisad culus oo ka dhalatay doorashadan ayaa ka dhex taagan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana suurtagal ah in xiisadaan ay gaarto gacan ka hadal.

Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka maamulka Jubbaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamad, ayaa faahfaahiyay shaqooyinka ilaa hada u qabsoomay guddiga iyo howlaha doorashooyinka.
Waxaa uu sharraxay qodobbada mudnaanta leh ee horyaalla guddiga iyo jadwalka doorashada, kuwaas oo qayb ka ah waajibaadka shaqo ee guddiga.