Waxaa lagu soo warramayaa inuu dhintay nin 25 sano jir ah ka dib muran ka dhashay 200 oo shilin.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay suuqa Garissa Lodge ee ku yaalla deegaanka bartamaha Kisumu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu khilaaf soo kala dhex galay labo nin oo kabo iibinayay, kuwaas oo ku heshiin waayay sida ay qaybsanayaan dhaqaalaha soo gala.
Taliyaha booliiska bartamaha Kisumu Peter Mulai, ayaa eedeysanaha dilka gaystay magaciisa ku sheegay Nicholas Otieno.
Waxaa uu taliyaha xusay in eedeysanaha uu saaxiibkiis feer kaga dhuftay dhanka bidix ee daanka, taasi oo keentay inuu dhulka ku dhaco ka dibna uu madax uga istaagay.
Waxaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray madaxa.
Dadka deegaanka oo arrintan ka carooday ayaa garaacay eedeysanaha dilka gaystay islamarkaana ay dhaawaceen ka hor inta aysan booliiska soo faragelin.
Eedeysanaha ayaa haatan lagu dabiibaya isbitaalka weyn ee ismaamulka Kisumu, iyadoo ay booliis ilaalinayaan.
Waxaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta dil, ka dib marka isbitaalka laga saaro.