DCI-da oo beenisay in Gachagua la isku dayay in laga hor istaago inuu munaasabad kaniiseed uga qaybgala Nairobi

0
302

Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa beeniyay sheegasho la xiriirtay in saraakiil ka tirsan waaxdan ay maalinimadii Axadda isku dayeen inay ka hor istaagaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua inuu tago kaniisad ku taalla xaafadda Kahawa West ee ismaamulka Nairobi.
Waaxda DCI-da ayaa bayaan ka soo baxay maanta ayay meesha ka saartay sheegashada arrintan la xiriirta.
Waxaa ay ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, oo bulshada lagu marin habaabinaya.
DCI-da ayaa ku nuuxnuuxsatay inay si adag ugu hoggaansanto sharciga, islamarkaana ay ka go’an tahay inay ixtiraamto xorriyadda shakhsi ahaaneed iyo midda diimeed.
Waaxdan ayaa sheegtay in mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ay gudbisay warbixin aan sax ahayn.
Waxay warbaahintaasi ugu baaqday inay run ka sheegaan warbixinnada ay daabacayaan.