Golaha maamula dalka Haiti ayaa shaqada ka eryay ra’iisul wasaarihii waddankaasi Garry Conille, lix bilood ka dib markii uu xafiiska yimid.
Amarka xukunka looga tuuray ayaa waxaa saxiixay sideed ka mid ah golaha ku meel gaarka ah ee dalka Haiti oo ka kooban 9 xubnood.
Guddigan ayaa xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi u magacaabay ganacsade Alix Didier Fils-Aime.
Waxaa golaha ku meel gaarka ah ee dalka Haiti oo ka kooban 9 xubnood la soo dhisay bishii Afaraad.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli weli ay Haiti ka jiraan rabshado ay kooxo burcad ah oo hubeysan inta badan weerarro ka gaysanayaan caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince.
Conille ayaa horay Ra’iisul Wasaare u soo noqday afar bilood intii u dhexeysa bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii ilaa bishii Labaad ee 2012-kii.