DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Garissa oo dooneysa in la baaro hadal uu dhawaan jeediyay senatarka ismaamulkaasi

0
513

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Aamina Udgoon Siyaad ayaa warbixin la wadaagtay guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC, taas oo ku aadan hadal la dhibsaday ee uu dhawaan jeediyay senatarka dowlad deegaankaasi Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxay dooneysa in guddiga NCIC uu baaro hadalka uu jeediyay senatarka Garissa.
Udgoon ayaa sheegtay in hadalka u jeediyay senatarka ismaamulka Garissa uu yahay mid horseedi karo naceyb.
Waxaa ay intaasi ku dartay in in hadalkaasi uu sii xumeyn karo xiisadaha u dhexeya qowmiyadaha kala duwan ee degga ismaamulka Garissa.
Udgoon ayaa sheegtay in senatarka ismaamulka Garissa uu ku xadgudbay habdhaqanka qofka hoggaamiyaha looga baahan yahay sida uu dhigayo dastuurka.
Dhanka kale, xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Garissa Township Major Deeqow Maxamad Barrow ayaa dhaliilay hadalka ka soo yeeray senatarka ismaamulka Garissa.
Mudanaha ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka dowlad deegaankaasi.