Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa ku boorriyay madaxweynaha dalka William Ruto inuu gacan ka gaysto wax ka beddelka dastuurka waddanka lagu maamulo.
Atwoli ayaa ku andacooday in dastuurka haataan la adeegsado uu shakhsiyaad gaar ah awood u siiyay in ay joojiyaan mashaariicda wanaagsan ee dowladda, iyagoo maxkamadaha tagaya.
Waxaa uu tilmaamay in arrintan darteed ay suurtageli weyday in madaxweynaha uu fuliya ballanqaadayo uu horraan sameeyay.
Xoghayaha COTU ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo wax ka beddelka dastuurka si loo helo awood ay dowladda ku fuliso mashaariicda wanaagsan.
Waxaa uu sheegay in qodobbo dastuuri ah ay caqabad ku noqdeen in madaxweyne Ruto uu fuliyo mashaariic dhowr ah.