Arday sameynayay KCSE oo mindi ku dilay mid kale oo ay isku fasal ahaayeen

0
398

Booliiska magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru ayaa baadigoobaya arday wax ka baranayay dugsiga sare ee wiilasha ee Shiners, kaas oo la sheegay in uu tooreey ku dilay saaxiibkiis oo ay isku fasal ahaayeen.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 8-dii fiidnimo ee xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay ku lug lahayeen afar arday oo sameynaya imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee KCSE-da, kuwaas oo ku andacooday in agab ay lahaayeen laga burburiyay.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Gilgil, Winstone Mwakio ayaa sheegay in afarta arday horraan si ku meel gaar ah dugsigaasi looga aryay.
Hasa ahaate ay dib ugu soo laabteen xaruntaasi, maadaama ay u fadhiyaan imtixaanka shahaadiga ee KCSE-da.
Ardaydan ayaa markii xaruntaasi waxbarasho ay dib ugu soo laabteen, ayay ka war heleen in la burburiyay alaabtoodii ayna tuhmeen in ardayga dhintay uu mas’uul ka ahaa falkaasi.
Waxaa la xiray 3 ka mid ah afarta arday, iyadoo tuhmanaha ugu weyn ee dilkan uu baxsaday.
Taliyaha ayaa su’aal geliyay sida ay ardayga dilka gaystay ugu suuragashay in dugsigaasi uu la soo galo mindi.
Waxaa uu intaasi ku daray in tuhmanaha ugu weyn ee dilka gaystay haatan lagu raadjooga.
Meydka ayaa loo geeyay goobta meydadka la dhigo ee ismaamulka Nakuru.