Ciidamada ammaanka ee deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu ayaa baaraya dhacdo la soo tabiyay oo ah inuu askari toogtay labo qof oo ku sugnaa goob lagu caweeyo.
Sarkaalka ayaa ka howlgalo saldhigga booliiska ee Nthagaiya .
Toogashadaasi oo xalay ka dhacday suuqa Ugweri ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyadoo mid kalena uu dhaawacmay.
Catherine Nyaga oo ah hooyada ninka la dilay oo ay da’diisu ahayd 43 sano laguna magacaabi jiray Ephantus Muriithi Nyaga ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilkeeda laga toogtay madaxa oo uu isla markiiba geeriyooday.
Waxay intaasi ku dartay in askariga dhibaatadan gaystay uu u muuqday mid daroogaysan.
Qofka dhaawacmay ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Embu .
Waxaa uu dhaawaca ka soo gaaray dhanka qoorta halka meydka Ephantus Muriithi la dhigay goobta meydadka ee isbitaalkaasi iyadoo ay baaritaano dheeraad ah socdaan.