Tuhmaneyaal iska dhigayay baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da oo la xiray

0
380

Waxaa gacanta lagu dhigay labo nin oo ku eedeysan inay iska dhigayeen saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay muwaadin ka khiyaameen in ka badan 200,000 oo shilinka dalka ah.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nicholas Okoth Owino iyo David Otieno Odhiambo.
Waxaa la sheegay in eedeysanayaasha ay iska dhigeen baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da, si muwaadin dacwo qabay ay ugu qanciyaan inay u soo dedejin karaan baaritaan iyagoo qaab khiyaano ah lacag uga qaatay.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadkan ay adeegsadeen aqoonsi been abuur ah si ay u helaan kalsoonida dhibbanaha, iyagoo ugu dambeyntii ka qaatay lacag dhan 200 oo kun shilin.
Waxaa eedeysanayaasha gacanta ku soo dhigay saraakil ka tirsan waaxda DCI-da oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.
Baarayaasha ayaa hadda eegaya in Owino iyo Odhiambo ay horraan isku dayeen khiyaano kan la mid ah, ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.