Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa isagoo wakiil ka ah madaxweyne William Ruto, magaalada caasimadda ah ee Gaborone ee waddanka Botswana kula kulmay hoggaamiyaha cusub ee dalkaasi Duma Gideon Boko kaas oo maanta xilkaasi loo dhaariyay.
Waxaa ay kawada hadleen dadaallada iskaashiga ah ee lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Kenya iyo Botswana ayaa dib u xaqiijiyay inay ka go’an tahay ka wada shaqeynta qaybaha kala duwan, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada, ganacsiga iyo amniga gobolka.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeya labada waddan.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay u aragto Botswana xulafada horumarinta dhaqaalaha qaaradda, nabadda, amniga, dalxiiska, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
Kindiki iyo Boko ayaa sidoo kale kawada hadlay kor u qaadista iskaashiga ku saabsan ganacsiga qaybaha muhiimka ah sida qaxwaha, shaaha, beeraha iyo macdanta.
Iyadoo in ka badan 1,200 oo Kenyaan ah ay ku nool yihiin kana shaqeeyaan dalka Botswana, ayay dowladda Kenya ka mahadcelisay soo dhaweynta loo fidiyay muwaadiniinteeda, kuwaas oo gacan ka gaysta maamulka iyo waxbarashada Botswana.
Kindiki ayaa codsaday madaxweynaha cusub ee dalka Botswana in uu taageerro musharraxnimada ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.