Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa aroornimadii hore ee maanta u ambabaxay waddanka Botswana.
Waxaa uu isagoo matalaya madaxweyne William Ruto magaalada Gaborone uga qayb geli doonaa xafladda dhaarinta iyo caleema-saarka hoggaamiyaha dalkaasi Duma Boko.
Kindiki waxaa safarkiisa ku wehelinaya senatarrada kala ah Fatuma Dullo (Isiolo) iyo Eddy Oketch (Migori).
Sidoo kale waxaa wafdiga madaxweyne ku xigeenka Kenya ee u safray Botswana ka mid ah xildhibaannada kala ah Owen Baya ( oo laga soo doortay Waqooyiga Kilifi), Vincent Musyoka (Mwala), John Njuguna Kawanjiku (Kiambaa), Victor Koech (Chepalungu), iyo Elisha Odhiambo (Gem).