Ciidamada booliiska ee ismaamulka Marsabit ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ka dibna ay burburiyeen xashiish uu qiimihiisu yahay in ka badan 12 milyan oo shilin.
Tallaabadan ayay saraakiisha qaadeen ka dib amar ay maxkamaddu bixisay.
Xashiishka ayaa ahaa 670 kiilogaraam.
Sidoo kale waxaa la burburiyay khamri sharci darro ah oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 150,000 oo shilin.
Waxaa sidatan xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Marsabit James Kamau iyo taliyaha booliiska ee dowlad deegaankaasi Leonard Kimaiyo.