Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay 80 ruux oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyada.
Howlgalka dadkan lagu soo qabtay ayaa laga fuliyay bartamaha magaalada Mombasa ka dib markii ay dadweynaha cabasho ka muujiyeen in dembiyada ay kordheen.
Tuhmaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee bartamaha Mombasa waxaana socdo baaritaano ka dhan ah shakhsiyaadkan.
Ciidamada ayaa hoosta ka xarriiqay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo, eedeysanayaasha maxkamadda la geyn doono Talaadada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bishan.
Waxaa waayihii u dambeeyay ismaamulka Mombasa, shacabka dhac ugu gaysanayay koox dhallinyaro ah.