Dowladda oo aan ismaamullada ku wareejin 30 bilyan oo shilin

0
325

Guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa sheegay in qaranka uu wajahaya gaabad dhaqaale oo dhan 788 bilyan oo shilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in lacagta weli ismaamullada uga maqan dowladda sare ay tahay 30 bilyan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka madaxweyne William Ruto uu ku dadaalaya inuu kordhiyo dakhliga gudaha.
Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka canshuuraha ee KRA uu ugu baaqay inuu la yimaado hal-abuur lagu kordhinaya dhaqaalaha.