Donald Trump ayaa markii labaad dib loogu doortay xilka madaxtinimo ee dalka Maraykanka, ka dib doorasho adag oo shalay ka dhacday waddankaasi.
Trump ayaa ka guuleystay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris.
Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa la saadaaliyey inuu ku guuleystay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.
Trump ayaa ilaa hadda xaqiijiyay 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay haysata 224.
Waxaa uu u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.
Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin.
Trump ayaa guul sheegtay goor sii horreysay maanta, isagoo u mahadceliyey taageerayaashiisa oo isugu soo baxaxay gobolka Florida.
Waxaa uu ballan qaaday in uu hagaajin doono xuduudaha Maraykanka iyo wax walba oo dalkaasi ka jira
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo dhigiisa UK Keir Starmer ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Donald Trump oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Maraykanka.
Ra’iisul wasaaraha waddanka Hungary, Viktor Orban oo ay isku dhow yihiin Trump ayaa sheegay in doorashadiisu ay tahay guul aad loogu baahnaa oo caalamka u soo hoyatay.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Trump, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo
Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in dalkiisa iyo Maraykanka ay muddo dheer si guul leh uga wada shaqeynayeen horumarinta barwaaqada iyo xorriyadda labada dhinac.