Booliiska deegaanka Kiserian ee Galbeedka ismaamulka Kajiado ayaa wada baaritaano ku aadan dil loo gaystay haweeney meydkeeda laga helay banaanka gurigeeda habeennimadii Axadda.
Waxaa falkan gaystay shakhsiyaad aan wali haybtooda la aqoonsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo tuhmane dhacdadan loo xiray, iyadoo baaritaan dheeraad oo arrintan ku aadan ay socdaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo dilkan ka argagaxay ayaa warbaahinta u warrameen.