Madaxweynaha dalka oo gaaray Suudaanta Koonfureed

0
296

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta gaaray magaalada Juba ee caasimadda waddanka Suudaanta Koonfureed oo ay booqasho rasmi ah uga billaabatay.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dhigiisa Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit.
Socdaalka madaxweynaha ayay ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa isbeddelka siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed iyadoo loo marayo barnaamijka ‘Tumaini’ ee is afgaradka nabadeed.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in wada xaajoodyada socdo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee waddankaasi saameyay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Ruto uu wadahadal la yeeshay wafdi ka socday dowladda Koonfurta Suudaan.
Waxaa uu sidoo kale dhawaan magaalada Nairobi kula kulmay wakiillada xisbiyada mucaaradka ee Suudaanta Koonfureed
Dhinacyada is haya ee Koonfurta Suudaan ayaa xaqiijiyay inay diyaar u yihiin saxiixa barnaamijka nabadda ee Tumaini.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto iyo Salva Kiir ayaa kawada hadli doona mashaariicda istaraatiijiga ah ee kaabayaasha gobolka, oo ay ku jiraan adeegyda waddooyinka ee mashruuca horumarka ee LAPSSET.