Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay dib u soo celinayaan qaxootiga Jarmalka

0
354

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Berlin, isagoo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka, dib u soo nooleynta waxbarashada farsamada gacanta, sare u qaadida amniga iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Wargeyska Bild ee ka soo baxa magaalada Berlin ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka wareystay qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Jarmalka iyo qorshaha dowladdiisa ee ku wajahan dadkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo qaxooti ah oo aan sharci ku joogin Jarmalka dib loogu celin karo Soomaaliya, maadaama dalka uu hadda nabad yahay, sida uu sheegay.
In ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa ku nool Jarmalka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay magangelyo weydiisteen.
Sanadkan oo keliya, 5,800 ayaa magangelyo codsaday, sida ay sheegtay Bild.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay doonayaan in Soomaaliya ay noqoto meel ay ku nool yihiin dhammaan muwaadiniinteeda, xitaa kuwa ku nool dalka Jarmalka.
Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Jarmalka ayaa walaac weyn ka muujiyay hadalka madaxweynaha, iyagoo sheegay in dhibaatadii ay uga soo carareen Soomaaliya ay weli taalo.