Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa xaafadda Runda ka soo qabtay 12 eedeysanayaal ah.
Dadkan ayaa lala xiriirinaya ka ganacsiga dahabka faaliska ah.
Tani ayaa timid ka dib markii labo qof oo ajaaniib ah lagu khiyaanay in ay iibsadaan 35 kiilogaraam oo dahab faalis ah taasi oo uu ka soo gaaray khasaare hantiyadeed oo ah in ka badan 5 milyan oo shilin.
Booliiska ayaa sheegay in qaar ka mid ah tuhmaneyaasha ay horay u gaysteen falal dambiyeedyo kale.
Waxaa uu qorshuhu yahay in eedeysanayaasha maanta maxkamadda la soo taago si loogu soo oogo dacwad ah in ay sameeyeen khiyaano ganacsi.