8 macallin ah oo loo xiray xatooyada imtixaanka KCSE

0
400

Booliiska ismaamulka Homa Bay ayaa xabsiga u taxaabay 8 macallin oo wax ka dhiga dugsiga sare ee Pala Masogo oo ku yaalla dowaldda deegaankaasi.
Macallimiintan ayaa lagu eedeyay falal lidi ku ah imtixaanka socda ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa barayaashan lagu qabtay iyagoo sawiraya warqad imtixaan ee maadada Chemistry oo ku dhex jirtay dhismaha iskuulkaasi.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska ee Homa Bay.
Taliyaha ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay Emmanuel Kiplagat ayaa sheegay in warqadda imtixaanka ee macallimintan sawirayeen loogu tala galay arday isbitaal la dhigay.
Macallimiinta la xiray waxaa ka mid ah maamulaha dugsiga sare ee Pala Masogo, kormeerayaal iyo macallimiin kale
Iyadoo laga falcelinayo dhacdadan, wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa beddeshay dhammaan mas’uuliyiintii iyo kormaareeyaasha imtixaanka ee dugsigaasi.