Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa labo nin oo ku eedeysan dil ay gaysteen ku xuntay 35 oo xabsi ah.
Waxaa labada nin ee xukun lagu riday lagu kala magacaaba David Ekai Lokere oo 25 sano jir ah iyo Peter Ushuru Khalumi oo ay da’adiisu tahay 30.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu helay dambi ah inay dileen Edward Benjamin Kiplagat, oo u dhashay Kenya, balse waddanka Uganda ku matalayay tartanka orodka ee 3 kun ee mitir.
Garsoore Nyakundi ayaa sheegay in labada nin lagu caddeeyay dambiga ay galeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in waaxda dacwad oogidda ay kiiskan u soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah si waafaqsan halbeegyada sharciga.
Maxkamadda ayaa u ogolaatay Lokere iyo Khalumi 14 maalmood oo ay xukunkan racfaan kaga qaadan karaan.
Qoyska Kiplagat, oo uu horkacaya walaalkiis Vincent Chemweno, ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin xukunka maxkamadda, iyagoo sheegay inay rumeysan yihiin in kiiskan cadaalad loo maray.