Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filaya in toddobaadkan qaybo badan oo ka mid ah waddanka ay roobab ka da’aan.
Waxaa saadaasha ku cad in ay u badan tahay in roobabkan ay da’aan maanta ilaa maalinka Khamiista.
Goobaaha laga yaaba inay ka hoorraan roobabka ayaa kala ah gobolka Rift Valley, harada Victoria, , Nairobi, meelaha joogoodu hooseeya ee koonfur bari iyo gobollada Xeebta, Waqooyi Bari iyo Galbeedka ee dalka.
Meelahan ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa suurtagalnimada inay duufaano ku dhuftaan.
Cimillada ayaa sidoo kale la filaya inay toddobaadkan isbeddesho.
KMD ayaa hoosta ka xarriiqday in laga billaabo maalinka Jimcaha ee 8-da bishan, gobollo badan oo waddanka ka mid ah ayaa la filaya in ay noqdaan kuwo qallalan.
Waaxda KMD ayaa dadweynaha kula talisay inay taxadarraan si aysan waxyeello uga soo gaarin saameynta ka dhalan karto roobabka la rajeynaya inay da’aan.