Maxkamadda sare ee dalka ayaa ku amartay dowladda in ay magdhow siiso qaar ka mid ah qoysaska degganaa xaafadaha isku raranta ah ee Mathare, Gwa Kairu, Mukuru Kwa Ruben iyo Kiamaiko ee magaalada Nairobi.
Qoysaskan ayaa la sheegay inay deganayeen goobaha u dhow biyo mareenada iyo wabiyada, islamarkaana dowladda ay si qasab ah halkaasi uga saartay.
Go’aankan oo ay maxkamadda sare maanta soo saartay, ayay ku xaqiijisay in qoysaskaasi ay xaq u leeyihiin magdhow, maadaama ay la kulmeen khasaare hantiyadeed.
Garsoore Mogeni Ann Jacqueline oo go’aankan soo saartay ayaa sheegtay in dowladda ay ka war qabtay xaaladaha qoysaskan.
Hasa ahaate ay ku guuldareysatay in ay u qoysaska urarto gooba kale.
Waxaa ay carrabka ku adkeysay in dowladda ay waajib ka saaran tahay in si wanaagsan ula dhaqanto muwaadiniinteeda, maadaama ay Kenya saxiixday heshiisyada caalamiga ah ee bani’aadamnimada.
Maxkamadda ayaa dowladda ku amartay in magdhowga qoysaskan la siinayo ay ku bixiso muddo 60 maalmood gudahood.
Qareennada matalaya dhinacyada ay arrintan sameysay ayaa ku andacooday in ogaysiis la’aanta ay keentay inay qoyaskan u nuglaadaan xaaladaha cimilada, taasoo keentay dhibaato maskaxeed iyo mid jireed.
Home Wararka Kenya Nairobi: Dowladda oo lagu amray inay magdhow siiso qoyska xaafadaha isku raranta...