DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo sheegay in dad musuqmaasuq ku lug leh ay ka soo horjeedaan horumarka

0
164

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in shakhsiyaad ku lug leh falalka musuqmaasuqa ay yihiin kuwa ka soo horjeeda barnaamijyada horumarineed ee ay dowladdu fulinaysa.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhaliilaha la xiriira geeddisocodka loogu wareegay caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA oo lagu beddelay NHIF.
Musalia ayaa tilmaamay in dadka isbeddelkan diiddan ay yihiin kuwo horay qaab wax isdaba marin ah uga macaashay nidaamyadii hore.Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in ay nabad galyada ku dadaalaan oo ay qadariyaan maamullada jira sida goleyaasha xeer dejinta, golaha fulinta ee dowladda iyo waaxda garsoorka.

Musalia ayaa sheegay in haddii sidatan la sameeyo ay Kenya horumar ku tallaabsanaysa isagoo carrabaabay in rabshado ka jiro qaaradda Afrika awgood aynan dugsiyada tagin ilaa 1 milyan oo carruur ah.