DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballan qaaday in shacabka Nairobi ay heli doonaan biyo ku filan

0
217

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ballan qaaday in la kordhin doono biyaha ay helaan dadweynaha ku nool caasimadda waddanka ee Nairobi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in marinka biyaha ee Northern Collector Tunnel ee ismaamulka Murang’a uu gabogabo ku dhow yahay.
Ruto ayaa sheegay in dhuumadan oo ah ilaa 11.8 kiilomitir ay soo saari doonto 140,00 cubic meters oo biyo dheeraad ah oo ay maalin kasta helayaan shacabka Nairobi.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay kaashanayaan dowladda ismaamulka Nairobi si loo xalliyo caqabadaha dhanka biyaha ee ka jiro xaafadaha Kibra, Lang’ata iyo kuwa kale ee magaala madaxda dalka.