Xubin sare oo ka tirsan xisbiga hoggaamiya Shiinaha oo dalka yimid

0
298

Waxaa magaalada Nairobi safar ku yimid Li Xi oo xubin sare ka ah xisbiga haya talada jamhuuriyadda Shiinaha ee (CPC).
Mas’uulkan ayaa sidoo kale ah xoghayaha guddiga dhexe ee qaabilsan ilaalinta habdhaqanka.
Waxaa uu wada hadallo heer sare ah la yeelan doonaa madaxweyne William Ruto.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa Li Xi ku soo dhaweeyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Mudavadi ayaa sheegay in siyaasigan uu Kenya ku joogi doono booqasho saddex cishe ah.
Waxay isaga iyo madaxweynaha dalka ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada waddan.
Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu doonaya inuu adkeeyo xiriirka kala dhexeeya xisbiga CPC ee Shiinaha si gaar ah dardargelinta maamulka iyo adeegyada loo fidiyo shacabka.