Waxaa la xaqiijiyay dhimashada toddobo ruux oo isugu jiro saddex Israa’iiliyiin ah iyo afar ajaaniib ah oo ka shaqeynayay gudaha Israa’iil.
Tani ayaa timid ka dib markii kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon ay Waqooyiga Israa’iil ka fulisay weerar madaafiic loo adeegsaday.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Qaza, waxaa gudaha dalka Lebanon lagu dilay ugu yaraan 2,867 ruux halka la dhaawacay 13,047 kale.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 45 ka mid ah dadkan la dilay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.