Kithure Kindiki oo goor dhow loo dhaarin doono xilka madaxweyne ku xigeenka Kenya

0
214

Waxaa goor dhow jagada madaxweyne ku xigeenka waddanka loo dhaarin doona Prof. Kithure Kindiki.
Xafladda dhaarinta ayaa haatan ka socota xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi iyadoo ay Kindiki jagadan u dhaarin doonto madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka dalka Winfridah Boyani Mokaya.
Shalay ayay ahayd markii guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah uu meesha ka saaray amarkii maxkamadda Kerugoya ee lagu hor istaagay dhaarinta Kindiki.
Xaakinnada ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo la adeegaya danta guud iyo in laga hor tago xaalad cakiran oo dhanka dastuurka ah in uunan sii bannaanaan karin xafiiskii laga saaray Rigathi Gachagua.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo horay Prof. Kithure Kindiki u soo magacaabay ku xigeenkiisa ayaa jagadii uu mas’uulkan hayay ee wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran si ku meel gaar ah ugu wareejiyay madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi.