Ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha waddanka ee UASU ayaa maanta guda galay shaqo joojin.
Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii ay dowladda ku guuldareystay in dhaqangeliso heshiis uu ururka UASU shaqada dib ugu laaban lahaa 26-kii bishii hore.
Waxaa ay sheegeen in dowladda aynan fulin ballanqaadkii ahaa in la kordhiyo mushaarkooda iyo sidoo kale fulinta heshiisyo gorgortan ku saleysnaa.