Hal qof oo loo xiray dilka madaxii shaqaalaha ee shirkadda Wells Fargo

0
399

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray mid ka mid ah tuhmanayaasha lala xiriirinaya dilka madaxii shaqaalaha ee shirkadda gaarka ah ee bixisa adeegyada amniga ee Wells Fargo Willis Ayieko.
Bayaan ay soo saartay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa eedeysanaha la qabtay magaciisa ku sheegtay Victor Ouma Okoth.
Waxaa xalay laga oo qabtay goob uu ku dhuumaalaysanayey oo ku taalla xaafadda Dandora ee magaalada Nairobi.
DCI-da ayaa sheegtay in Victor Ouma Okoth uu yahay tuhmanaha ugu muhiimsan ee dilka Willis Ayieko.
Waxaa uu haatan ku xiran yahay saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaalada Nairobi.
Dambi baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadigoobayo shakhsiyaadka kale ee falkan ku lugta leh.
Madaxii shaqaalaha ee shirkadda Wells Fargo Willis Ayieko oo la waayay 18-kii bishan, ayaa maalinkii Arbacada ee toddobaadkii hore meydkiisa laga helay deegaanka Gem, ee ismaamulka Siaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka Ayieko uu gacmaha ka xirnaa islamarkaana uu dhaawac jireed ka muuqday.
22-kii bishan ayay ahayd markii baabuur uu lahaa mas’uulkan laga helay meel u dhow kaalin shidaal oo ku taalla deegaanka Sabatia ee ismaamulka Vihiga.